Ujeedka safarkeeyga ayaa ahaa qeyb gal-ka xafladda Qalinjabinta ardayda Soomaalida iyo in aan Jaamacada UUM oo ka mid ah Jaamacadaha ugu magaca dheer dalka aan booqdo.
Jaamacadda UUM waxaa dhigato Soomaali fara badan sanad walbana waxaa ka qalin jabiya arday Soomaali ah oo bartay Culuumta nooceeda kala duwan iyadoo Jaamacadu ku taal Waqooyiga dalka Malaysia ee Gobalka Kedah.
Kedah waa Gobal sidee ah?
Gobalka Kedah waxa uu ka midyahay 13-k
a Gobal ee dalka Malaysia ay ka koobantahay iyadoo dalkani uu yahay dal Nidaam-ka Dowladnimo ee ka jirta ay tahay mid ku dhisan Gobaleesi ama federal.
Gobalkan Kedah waxaa loogu yaree Daarul Amano o micnaheedo yahay Hoygii Nabadda waana Gobal ku yaala xuduudka ay Dowladda Malaysia la wadaagto dowladda Thailand.
Gobalkan Kedah caasimadiisu waa magaaladda Alor Setar oo 45KM u jirta xududka dalka Malaysia iyo Thailand ay wadaagaan balse waa magaalo aad u qurux badan iyadoo ay Magaaladdan can ku tahay.
1- Waxaan ku dhashay R/wasaarihii ugu horeeyay ee dalka Malaysia Tunku Abdul Rahman Allaha u naxariistee oo xilka dalka hayay sanadihii 31 August 1957 – 22 September 1970.2- Sidoo kale waxaan Gobalkan ku dhashay R/wasaarihii hore ee dalkan M
udane Mahathir Bin Mohamedoo ah hormuudka horumarka dalka Malaysia walina Siyaada dalka ka dhax muuqda isagoo xilka hayay sanadihii u dhaxeeyay 16 July 1981 – 31 October 2003,Mudane Mahathir Mohamed ayaa 22 sano oo uu xilka dalka hayay sanadkii 2003
uu go’aansaday in uu siyaasada dalka ku wareejiyo shacabka reer Malaysia balse wali dhaq-dhaqaaqa siyaada kama marna Mudane Mahathir.
3- Dhan kalle waxaa sidoo kalle Magaaladan Alor Setar ku dhashay Wan Azizah Wan Ismail oo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Malaysia isla markaana ah afada u dhaxdo Siyaasiga Anwer Ibrahim iyadoo haweeneydan ka midtahay kooxaha Mucaaradka si weyna dalka looga yaqaan.
Gobalka Kedeh iyo Magaaladda madaxdiisa Alor Setar ayaa sidoo kalle caan ku ah beerashada Bariis-ka, iyadoo dalka Malaysia iyo guud ahaanba Qaaradda Asia ay caan ku yihiin Cunida Bariiska.
Jaamacadda UUM waa Jaamacad Sidee ah?
Jaamacadda University Utara Malaysia ee loo soo gaabiyo UUM waxaa kaloo loo
garanayaa Jaamacada Waqooyiga “Northern University of Malaysia”, Waxay ku taalaa Gobalka Kedah ee Waqooyiga dalka Malaysia iyadoo Jaamacada ay ku taal xadka Malaysia ay la wadaagto dalka Thailand.
Jaamacada UUM waxaa magacyadeeda ka mid ah Jaamacada Maamul-ka “Management university”, Jaamacadan ayaa xooga saarta Maamul-ka iyo Ganacsiga, inkastoo arday Soomaalida ee dhigata Jaamacadan ay badankood dhigtaan Culuumta Computer-ka iyo Culuumta la xarirta Ganacsiga.
Balse ardayda sanadkan ka qalin jabisay Jaamacada oo gaaraya 7 arday waxaa ku jiray Yaasir Mohamed Baffo oo ah arday bartay Culuumta Dalxiis-ka iyo sida loo maareeyo, aryda Soomaalida ee Malaysia wax ka barata inta badan ma bartaan Maddoyinka Dalxiis-ka, Sharciga iyo Saxaafada Intaba.
Ardayda Soomaalida ee dhigata jaamacadda UUM waxa ay ka yimaadeen gobaladda kala duwan ee Soomaaliya inkasto ardayda qarkood ay ka yimaaden dalalka Carabta.
Maalmihii aan joogay Jaamacadda UUM?
30 Octobe-7 November, 2010 intii u dhaxeesay ayaan Jaamacadda UUM joogay iyadoo Ujeedka aan u tagay Jaamacadda ay aheyd in aan la qeebsado farxadda arday Jaamacadda ka qalinjabibeysa oo qaarkood aan saaxiibo nahay.
Ururka Aryda Soomaaliyeed ee Jaamacadda UUM ee uu Gudoomiye u yahay C/risaaq “British” ayaa si wanaagsan iigu soo dhaweeyay Jaamacada, intii aan joogay Jaamacaddana waxaan ma dareemin wax cidlo ah oo ardayda Soomaalida ah qof walba oo marti ah si wanaagsan ayay u soo dhaweyan.
Dhanka kalle ardayda qalinjabisay iyo kuwa wali wax barashadda ku jira waxa rajo ka qabaan in mar un dalka nabad noqon doono iyadoo ardayda qaarkood aysan qabin rajo ah in xilli dhow ay dalka Nabadi ka dhici doono inkastoo ardayda ay ka simanyihiin wax u qabadka dalka iyo dadka.
Jaamacadaha kala duwan ee dalka Malaysia waxaa wax ka bartaa boqolaal arday balse dhibaatada jirta waxa ay tahay Dowladd dhaxe kama jirto Soomaaliya, haddaba Ardayda dibadaha wax ku barta side waxa ay barteen ay dadkooda oga faa’iideen doonaan?
Waxaan u mahadcelinayaa Ururula Ardayda Soomaalida ee Jaamacadda UUM iyo dhamaan araydii na soo dhaweesay. Mahadsanidiin dhamaantiin.
…………………………………………………………
Ibraahim Da’ud Abdalle
sayfudiin@gmail.com
Kuala Lumpur, Malaysia.